Friday, March 28, 2025

Arday ka horjeeda Go’aankii Wasiir Goodax oo Bannaanbaxyo ka bilaabay Magaalada Muqdisho.. [Sawirro]

Ardayda Dugsiyada Sare ee ka qeyb galay imtixaankii la joojiyey ee dowladda Soomaaliya ayaa bannanbaxyo waaweyn ka bilaabay magaalada Muqdisho, iyagoo ka horjeeda go’aankii Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre.

Banaanbaxyada waxaa horkacaya ardayda Dugsiyada sare ee Magalada Muqdisho, waxayna ku dhawaaqayaan inay ka horjeedaan go’aanja Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya uu ku baabi’iyay imtixaanki ay galeen muddo saddex maalmood ah iyo in lagu celiyo imtixaan ay galeen xilli ramadaan ah oo ay juhdi geliyeen.

Ardayda qaarkood ayaa wata Dharka Iskuulada ee waxbarashada waxayna isugu soo baxeen Taalada Daljirka Daahsoon ilaa Madaxtooyada, waxaa kaloo lagu arkay Isgoyska Zoobe iyo qeybo ka mida Wadada Maka Al-Mukarama, waxayna warar kale sheegayaan inay meelo kala duwan ka socdaan bannaanbaxyada.

Ad

Wasiirka Waxbarashada C/llaahi Goodax ayaa ku dhawaaqay go’aanka lagu joojiyey Imtixaanka, isagoo sheegay in la bixiyey imtixaankii, isla markaana la kala iibsaday si loo fashiliyo.

Image may contain: 1 person, standing, walking, shoes, sky, tree and outdoor
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON