Wednesday, February 19, 2025

Arday Galmudug kasoo jeeda oo kaalinta 1-aad ka galay Imtixaanka Dugsiyada Sare ee Dowladda 2020/2021

Dugsiyada Sare iyo Ardayda Maamulka Galmudug ayaa heer wanaagsan ka galay imtixaankii Shahaadiga Dugsiyada Sare ee Federaalka 2020/2021, kadib markii la shaaciyey Natiijada imtixaanka.

Ardayga kaalinta koowaad ka galay imtixaanka ayaa noqday Cawaale Axmed AwCali Barre oo dhigta Dugsiga sare ee Waaberi oo ku yaalla Koonfurta Magaalada Gaalkacyo, isagoo la yimid dhibco gaaraya 95.43, wuxuuna soo jiitay bogaadin iyo hambalyo ay u direen madaxda Galmudug.

Galmudug waxay 3 Arday ku yeelatay ardayga 10-ka kaalin ee ugu horeeya ka galay imtixaanka dowladda, iyadoo dhinaca kale 30-ka Dugsi ee ugu fiicnaa imtixaanka ay u galeen 10 Iskuul, iyadoo kaliya ay ka hareen 2 arday.

Ad

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa sheegay inuu farxadda guusha la qeybsanayo dhammaan ardayda reer Galmudug ee ka gudbay imtixaankii Fasalka 12-aad ee sanadkan, gaar ahaan 3-da arday ee kasoo muuqday kaalimaha 1-aad, 9-aad iyo 10-aad ee Guud ahaan ardaydii imtixaanka galay dalka oo dhan.

“Waxaan bogaadinayaa 10-kii iskuul ee magacooda kasoo muuqday 30-ka iskuul ee Soomaaliya ugu wanaagsan imtixaanka sanadkaan, Waxaa bogaadin iyo hambalyo udiraya guud ahaan shacabka reer Galmudug gaar ahaan bahda waxbarashada Galmudug iyo Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Galmudug oo juhdi iyo dadaal ku bixiyay in la xakameeyo tirada ardayda iyo tayada dugsiyada sare” ayuu farriin qoraal ah ku yiri Madaxweynaha Galmudug.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON