Musharax cusub ayaa ku soo biiraya tartanka doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu wado inuu aakhirka bishan ka dhaco magaalada Muqdisho.
Warar laga helay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Aqoonyahanka lagu magacaabo Enjineer Cabdullaahi Cali Xasan uu isku diyaarinaayo sidii uga mid noqon lahaa Muisharixiinta madaxnimada Soomaaliya oo uu dhowaan ku dhawaaqi doono musharaxnimadiisa xilka Madaxweynanimo ee doorashada ka dhaceysa Soomaaliya dhamaadka bishan December 2016. Enjineer Abdullahi Ali Hassan ayaa la filayaa in uu iclaamiyo musharaxnimadiisa maalmaha inagu soo aadan.
Aqoonyahankan la filayo dhawaan inuu ku dhawaaqo ka mid noqoshada Musharixiinta u tartamaya xilka madaxweyne ee Soomaaliya ayaa bartimihii bishii November aynu soo dhaafney qalqal weyn geliyey kursiga uu banneeyay Madaxweyne Xasan Sheekh 2012, kaasi oo looga guuleystay si cariiri ah kadib markii madaxtooyada soomaliya ay cadaadis weyn saartay qaabka ay doorashadu u socotey soona faragelisay ergadii cododkooda dhiibanayey, iyadoo codadka la kala helayna ay isku dhawaayeen, taasi oo sababtey in Musharaxa ay wadatay madaxtooyadu ay meesha keento.
Wararka la isla dhexmarayo ayaa sidoo kale sheegaya in musharaxnimada Engineer Cabdullaahi Cali Xasan ee qabashada xilka madaxweyne ka dambeysay kadib markii qaybo badan oo ka mid ah bulshada Soomaaliyeed qaybaheeda kala gedisan ay ka codsadeen in uu xilka madaxweynaha isu soo taago maadaama uu yahay shaqsi waayo arag ah, bisayl siyaasadeed iyo mid aqooneed intaba u leh hogaaminta dalka, isla markaana isku darsaday khibrad maamul iyo mid hoggaamineed oo waqti dheer ah, taasi oo sida dad badan ay aaminsanyihiin Soomaaliya u horseedi kara in ay ka soo kabato xaaladaha adag oo ay ku jirto islamarkaara dalka gaarsiin kara xasilooni, deganaan siyaasadeed, horumar dhaqaale iyo mid bulshadeed intaba.
Enjineer Cabdullaahi Cali Xasan oo iminka ah madaxa iyo aasaasihii Hay’adda Waxbarashada iyo Horumarinta ee loo yaqaan CED taas oo ka howlgasha kana fulisay mashaariic badan oo wax ku ool ah Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya dhowr iyo tobankii sano ee ugu dambeeyay, horeyna wuxuu u soo noqday Bare Jaamacaddii Umadda Soomaaliyeed xilligii xukuumadii Siyaad Barre isagoo islamarkaana horey ula soo shaqeeyay Hey’ado kale ee caalami ah xilliyadii dowlad la’aanta iyo burburka.
Aqoonyahankaan la filayo in uu ku soo biiro dhawaan Musharaxiinta u tartamaya doorashada madaxnimada Soomaaliya ee 2016 ayaa loo arkaa shaqsi miisaan weyn leh oo haddii uu go’aansado u tartamida doorashada madaxweyne ee Soomaaliya ku guuleysan kara maadaama sida aan xogaha ku helayno uu taageera badan ka heysto qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed iyo xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka dhawaan la soo doortay ayagoo u arka hoggaamiye nadiif ah oo la imaan kara isbedel muuqda oo dhab ah isla markaana xilligan soomaaliya ka saari kara fowdada, amni la’aanta, kala dambeyn la’aanta, deganaan la’aanta siyaasadedd iyo musquqmaasuqa.
Enjineer Abdullahi ayaa waxuu ka mid ahaa aqoonyahanadii waxgalka ahaa ee waxiii ka dambeeyay burburkii dowladdii dhexe ee soomalia 1991 u istaagay dhinaca bulshada rayidka ah iyo u adeegida shacabka Soomaaliyeed ee ay aafeyeen dagaalada sokeeye, dowlad la’aanta, fatahaada, abaaraha iyo gaajada isagoo ku howlanaa gargaarka beni’aadinimada iyo samatabixinta bulshada dhibaateysan 20 sano ee la soo dhaafay.
Enjineer Abdullahi waa aqoonyahan edeb badan, qunyarsocod ah, howlkar ah, go’aan qaadasho leh oo balamadana ku fiican wuxuuna ka tirsan tirsan yahay bulshada rayidka ah.
Dadka yaqaan Aqoonyahankaan ayaa ku sifeeyey in uu yahay shaqsi isku darsaday diin jacayl, wadaninimo, daacadnimo, hogaan suuban, aqoon iyo howlkarnimo waxayna rajo badan ka muujiyeen in uu ku guuleysan karo hanashada hogaanka ugu sareeyu ee dalka hadii fursad loo siiyo isla markaana si cadaalad ah ay ku dhacdo doorashada la filayo in ay qabsoonto inta lagu guda jiro bishan December 2016.
Soomaaliya xiligaan waxay u baahan tahay Hoggaamiye qaran oo aragti fog leh, oo la yimaada isbedel siyaasadeed, mid dhaqaale iyo mid bulshadeed isla markaana ka shaqeeya sidii dalka qaranimadiisa, midnimadiisa, karaamadiisa iyo sharaftiisa dib loogu soo celinlahaa una horseeda dalka iyo dadkaba xasilooni siyaasaded, nabad, horumar dhaqaale iyo mid bulsho, sinnaan iyo caddaalad.