Madixii hore ee Mac-hadka Heritage, kana mida aqoonyahannada Soomaalida ee arrimaha siyaasadda ka faallooda C/rashiid Khaliif Xaashi ayaa shan farriimood kusoo bandhigay xaalada is mari waaga ee ka taagan dalka iyo sidaa Maxamed C/llaahi Farmaajo ugu socdo xukun keli-talis ah.
Farriintiisa koowaad: wuxuu C/rashiid Xaashi ku sheegay in dalka laga diiwaan geliyay 110 xisbi siyaasadeed, Soomaaliduna dooneyso dal xukunkiisu dimoqraadi yahay; laakiin khilaafka doorashada ka taagan iyo dib u dhaca doorasho toos ah ay ugu wacan tahay hal arrin oo ah in madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo uu in si aan qarsoodi ahayn oo loo wada jeedo u qorsheystay inuuu xukunka dib ugu soo laabto.
Farriin labaad: wuxuu ku sheegay in Farmaajo intii uu talada hayey uu maamulay saddex doorasho oo maamul Goboleed, dhammaantoodna uu musuqmaasuqay, arrintuna hadda ay taagan tahay in laga difaaco doorashadii Qaranka. Koonfur Galbeed wuxuu xiray mid ka mida musharixiintii, wuxuuna dalka ka ceyriyey Wakiilkii Q/Midoobay markii uu sheegay in wixii dhacay aanay sax ahayn.
Farriinta saddexaad: C/rashiid Xaashi wuxuu ku soo qaatay in doorashooyinkii ka dhacay Hirshabeelle iyo Galmudug ay ahaayeen kuwo lasii ogaa dadka kusoo baxaya oo shaqsiyaadkii uu watay Farmaajo aanay cidna la tartamin, taasoo ay ugu wacneyd qaabka loo maray ee loo maamulay. Sidaasina ay Puntland, Jubbaland iyo Mucaaradka ay si adag Soomaaliya uga hortaaagan yihiin Kelitalis, ayna mudan yihiin bogaadin.
Farriinta Afaraad: wuxuu ku iftiimiyey sidii sharci darrada ahayd ee Maxamed C/llaahi Farmaajo xilalka uga qaaday ama ku riixay inay is casilaan Guddoomiyihii Maxkamadda Sare, Guddoomiyihii Baarlamaanka iyo Ra’iisal wasaarihii hore; iyo inuu Dal shisheeye u dhiibay muwaadin Soomaaliyeed; isla markaana uu magaaabay 5 taliye oo Ciidamada Milateriga ah, halka Madaxtooyada kaliya u bedelay Lix agaasime.
Farriinta shanaad: wuxuu Mudane C/rashiid Xaashi kusoo gabagabeeyay in jiraan dad Soomaali ah oo qaab qabiil ama Wax-garadnimo ah ku taageerta Farmaajo oo ka dhigaya inuu yahay Geesi iyo qof laga gardaran yahay, wuxuuna kuwaasi ku tilmaamay inay la mid yihiin taageerayaashii jidbeysnaa ee Donald Trump.
