Sunday, February 16, 2025

Aqalka Sare oo War kasoo saaray is-hortaagii iyo Fowdadii ka dhacay Villa Hargeysa

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa Qoraal uu soo saaray ku caddeeyay inuusan qeyb ka ahayn wixii maanta ka dhacay Xarunta Villa Hargeysa ee uu ku shiro Golaha Shacabka.

“Golaha Aqalka Sare, wuxuu ka xun yahay is hortaaggii ka dhacay Villa Hargeysa maanta oo ay tariikhdu tahay 𝟐/𝟏𝟐/ 𝟐𝟎𝟐𝟑, kaas oo sababay in uu qabsoomi waayo kulanka wadajirka ahaa oo loogu ballansanaa in looga hadlo Xeerka Qoondada Miisaaniyadda 2024-ka iyo Xisaab xirka Sanad Maaliyadeedka ku dhmaaday 31-ka Decenber 2022-ka”.” ayaa lagu yiri qoraalka Aqalka Sare.

Qoraalka Golaha Aqalka Sare oo ayaa lagu sheegay in isagoo ka duulaya 𝐪𝐨𝐝𝐨𝐛𝐤𝐚 𝟓𝟔-𝐚𝐚𝐝 xarafka (𝐚) oo qeexaya in ay labada Aqal u gutaan si wadajir hawlaha ay waddagaan, uu howlo shaqo u tegay Xarunta Golaha Shacabka Villa Hargeysa, balse, nasiib darro ay halkaas ka dhacday dhacdo aan ku habboonayn maqaamka iyo milgaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ad

“Haddaba, Aqalka Sare wuxuu caddaynayaa in uusan dhacdadaan qayb ka ahayn, wuxuuna rajaynayaa in xal degdeg ah laga gaaro wixii dhacay”. ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka Aqalka Sare.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON