Xoghayaha Aqalka hoose ee Golaha Shacabka ayaa beeniyay in kulanka degdega ah ee Sabtida uu yeelanayo golahaasi aanay jirin xil ka qaadis iyo mooshin ka dhan ah Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Qoraal kasoo baxya xoghayaha Golaha C/karin Xaaji Buux ayaa lagu yiri:”Waxaa Shacabka Soomaliyeed la wadaagaya inay been abuur ay tahay wararka lagu daabacay Baraha Bulshada oo ah in maalinta Sabtida Xil Ka qaadis lagu sameynayo Raisalwasaaraha XFS”.
Wuxuu sheegay in wararkaasi aysan waxba ka jirin oo kulanku kaliya ku saabsan yahay inuu Maxamed Farmaajo hor imaan doono.
“Waxan umadda Soomaliyeed uga digayna in ay ka fogaadan wararkaas been-abuurka ah, u jeedada kulanka uu yahay in maalin Sabtiga 1 May uu Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Farmaajo uu hor imaan noono Mudanayaasha Golaha Shacabka” ayuu yiri qoraalkiisa ku yiri C/Abdikarim Buux