Golaha wasiirada xukuumadda xilgaarsiina Soomaaliya ayaa shalay shaaciyey inay ansixiyeen Miisaaniyadda Dowladda Federaalka ee sanadka 2022.
Shirkii Golaha wasiirada ee shalay oo sidoo kale lagu magacaabay agaasimeyaasha cusub ee Hay’adaha Socdaalka iyo Jinsiyadaha iyo Batroolka ayaa lagu sheegay in Miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2022 ay gaareyso 699.1 Milyan oo Dollar.
Miisaaniyadii hore ee sanadka sii dhammaanaya 2021 ayaa ahayd 671 Milyan oo Dollar, waana kororkii ugu yaraa ee Miisaaniyadeed intii ay jirtay dowladda uu hoggaamiyo madaxweynaha waqtigiisu dhamamaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Ansixinta Miisaaniyadda 2022 ayaa imaaneysa iyadoo aanay wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya wax xisaab celin ah ku sameyn miisaaniyadda sanadihii 2018, 2019, 2020 iyo tan hadda socota ee 2021, waxaana sharciyadii iyo hindiseyaashii uu u gudbiyey uu Baarlamaankii 10-aad ku xirmay una gudbay Baarlamaanka 11-aad ka mid ahaa akhrinta labaad ee Miisaaniyaddii 2018.
Su’aalo badan ayaan laga jawaabin oo ku saabsan isticmaalka Dakhliga soo gala dowladda, waxaana hore loo kala diray Guddigii Maaliyadda Baarlamaanka markii ay ka hadleen lacago ka maqnaa Miisaaniyaddii 2017 oo gaareysa 30 Milyan Dollar.
Arrinta kale ee Miisaaniyadda dowladda la iska weydiinayo ayaa ah inaan sanado badan la sameyn wax xisaab celin ah, waxaayse xaaladdu kasii dari doontaa, haddii doorashada Golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad ay gaarto sanadka cusub, xilligaas oo ay xirmayaan bixinta Kharashaadka dowladda haddii aanu ansixin Baarlamaanka cusub.
