Wararka laga helayo magaalada Kismaayo, xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in amniga si weyn loo adkeeyay iyadoo ay maanta halkaasi ka dhaceyso doorashadii ugu horeysay ee Aqalka Sare.
Waxaa la xiray agagaarka xarunta ay Doorashadu ka dhaceyso, waxaana heegan la geliyey ciidamada Jubbaland iyo kuwa AMISOM ee sugaya nabadda Doorashada, iyadoo qeyb ahaan la yareeyay socdka gaadiidka.
Wasiirka Amniga Jubbaland Yuusuf Cismaan Dhuumaal ayaa faray Ciidamadaa Amniga Jubbaland xoojinta Amniga Doorashada, isagoo sheegay in dib u habeyn lagu sameeyay Koontaroollada laga soo galo magaalada Kismaayo.
Doorashada afar kursi oo ka mida kuwa Aqalka Sare ayaa maanta ka dhaceysa magaalada Kismaayo, iyadoo qeyb ahaan maanta la dhageysanayo khudbadaha musharixiinta, isla markaana la dooranayo.
Jubbaland ayaa noqotay maamulkii ugu horeeyay ee ay ka bilaabato doorashada dadban ee dowladda Federaalka oo muddo sanad ku dhow dib u dhacday.
