Saturday, April 26, 2025

Amnesty International oo Dowladda Farmaajo ku tilmaantay tii ugu xumeyd ee saxaafadda madaxa bannaan..

Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa warbixin ay maanta soo saartay ku sheegtay in suxufiyiinta Soomaaliya ay wajahayaan qaraxyo, handadaad, laaluush, weeraro iyo xarig.

Soomaaliya ayaa muddo ahayd mid ka mid ah dalalka ugu halista badan ee suxufiyiinta ay ka howl-galaan, ayaga oo wajahayey laba halis oo kala ah kasoo waramidda dagaallada, iyo sharciyo adag oo ay soo rogaan mas’uuliyiinta.

Hase yeeshee xaaladda ayaa iminka kasii dareysa, sida lagu sheegay warbixinta Amnesty oo cinwaan looga dhigay “Waxaan ku noolnahay cabsi joogto ah.”, waxayna warbixinta dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ku tilmaantay tii ugu xumeyd ee saxafiyiinta ay la macaamilaan.

Ad

Amnesty ayaa sheegtay in suxufiyiinta Soomaaliya ay halis ka wajahayaan dhinac kasta, sida weerarada kooxda Al-Shabaab iyo dowladda caalamku uu taageero ee Soomaaliya. Sida warbixinta ay tiri, ugu yaraan sided suxufi ayaa lagu dilay Soomaaliya tan iyo sanaddii 2017, ayada oo ugu yaraan sideeda kale ay dalka uga carareen cabsi ay u qabaan noloshooda.

Qoraalka Amnesty oo ka kooban 52 bog ayaa lagu faahfaahiyey saxafiyiinta lagu dhibaateeyay gudaha Soomaaliya iyo xaaladooda, waxaana qodobka 9-aad looga hadlay Madaxtooyada Soomaaliya oo lacag Bille ah uy qortay warbaahinta waaweyn iyo shaqsiyaadka caanka ka ah Baraha bulshada si ay u qariyaan xaqiiqada, una buunbuuniyaan waxqabadka dowladda.

HAKKAN KA AKHRISO WARBIXINTA AMNEYSTY INTERNATINAL OO DHAMMEYSTIRAN

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON