Saturday, March 15, 2025

AMISOM oo shaacisay inay fashilisay weerar 3 geesood ah oo Alshabab ku qaaday ciidamada Jubbaland

AMISOM ayaa shaacisay inay ciidamada Kenya ee ka howlgala Jubbaland fashiliyeen weerar saddex geesood ah oo maleeshiyada Alshabaab ku qaadeen degaanka Bilis Qooqaani ee gobalka Jubbada hoose.

Warka AMISOM ayaa lagu sheegay in weerarka oo dhacday saqdii dhexe kadib ay ka qeyb qaateen 20 Maleeshiyo oo Alshabaab ah, kuwaaso saddex jiho ka weerarray ciidamada Jubbaland, laakiin ay ciidamada AMISOM gurmad degdeg fidiyeen ayna fashiliyeen weerarka iyagoo dilay 3 ka mida maleeshiyada Alshabaab.

Qeybt labaad ee AMISOM ayaa sheegtay in ciidamada Jubbaland laga dhaawacay 2 askari, iyadoo wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ku amaanay ciidamada Kenya geesinimada ay ku joojiyeen weerarka Alshabaab.

Ad

“Qeybta Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) oo ku sugan magaalada Bilis Qooqani ayaa jimcihii joojiyay weerar lagu qaadayay Ciidamada Amniga Jubaland (JSF), kaas oo lagu diley laguna qabtey dhowr argaggixiso ah, Ciidamada AMISOM ayaa gacanta ku dhigay dhowr qori oo AK 47 ah iyo rasaas fara badan oo ay ka heleen xubno ka tirsan Al Shabaab oo la go’doomiyey intii lagu guda jiray weerarka”  ayaa lagu yiri qoraalka AMISOM.

Dhinaca kale ciidamada Kenya ayaas oo saaray bayaan ay uga hadleen inay fashiliyeen weerar. Alshabaab ku soo qaaday, iyagoo sheegay inay dileen 5 Alshabaab ah, ayna ka furteen shan qori oo AK 47 ah.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON