Saturday, April 19, 2025

AMISOM oo iska fogeysay Xariga Mukhtar Roobow & Ciidamada Itoobiya oo Kiis ku soo baxay [Akhriso]

Qoraal uu soo saaray Madaxa Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa lagu beeniyay in AMISOM ay ku lug leedahay xariga loo geystay Mukhtaar Roobow Cali oo ciidamda Itoobiya ay ku qabteen Magaalada Baydhaba.

Qoraalka Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeira ayuu ku caddeeyay inay AMISOM qeyb ka ahayn falka Mukhtaar Roobow lagu qabtay ee lagu keenay magaalada Muqdisho, wuxuuna intaas ku daray in AMISOM ay dhowreyso madax bannaanida iyo qaranimada dowladda  Soomaaliya, ayna dhexdhexaad ka tahay dhinacyada is haya.

Arrintan ayaa ka dambeysay markii dacwad ay AMISOM ka qoreen xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo soo shaac bixisay in ciidamad Itoobiya ay ku dhaqaaqeen tallaabooyin ka baxsan howlaha AMISOM, taasoo kashifeysa xiriir gaara oo ka dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya.

Ad

Ciidamada Itoobiya ee jooga Soomaaliya ayaa hore loogu eedeyn jiray inay dano u gaara ka fuliyaan dalka, waxaana Kiiska xariga Roobow uu soo shaac bixinayaa in ciidamada Itoobiya ay si baxsan howlgaka AMISOM ula shaqeynayaan madaxda dowladda Soomaaliya.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON