Amiirka Dalka Qatar Tamim Bin hamad A-thani ayaa Qarsiga Amiiriyada ee magaalada Doha ku qaabilay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galaya Madasha Qaramada Midoobey ee dalalka horumarkooda hooseeyo.
Kulanka waxaa Madaxweynaha ku wehliyey Wasiirka Waxbarashada Faarax Sheekh C/qaadir, waxyana labada dhinac ka wadahadleen xaaladda Soomaaliya, iyadoo ay tahay markii ugu horeysay ee kulan rasmi dhex maray Madaxweynaha Somaliya iyo Amiirka Qatar Sheekh Tamiim Binu Xamad intii dib loo doortay.
“Madaxweyne Xasan iyo Amiir Tamiim ayaa isla gartay dardar-gelinta mashaariicda horumarineed ee Dowladda Qatar ay ka fulinayso Soomaaliya, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu adkeeyey sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay u soo dhaweynayaan cid kasta oo garab istaagaysa”. ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.