Amiirka kooxda Al-Shabaab Sheekh Axmad Cumar (Abuu Cubeydah) ayaa soo saaray farriin ku saabsan xaaladda dalka Suuriya (Shaam) oo uu sheegay inuu duullaan ay hor kacayaan Gaallada lagu hayo muddo sanado ah.
Farriiin amiirka Alshabaab oo Carabi ahayd ayaa soconeysay muddo 29 daqiiqo ah, wuxuuna Sheekh Abuu Cubeyda kusoo cambaareeyay dagaalka Ruushka iyo dowladda Suuriya ee Bashaar Al-Asad ku qaadeen degaanka Bariga Guuta oo uu sheegay in lagu laayey kumanaan muslimiin ah.
Amiirka Alshabaab ayaa tacsi u diray dadka reer Shaam ee Suuriya isagoo uga tacsiyadeeyay dhibaatadii ku dhacday walaaheneena Muslimiinta ah ee Ghuudada Bari, sida uu yiri Sheeykh Abuu Cubeydah.
Wuxuu cambaareeyay kaalinta Turkiga ee dagaalka Suuriya, dadka Turkiga ku booriyay inay ku baraarugaan in dowladda Erdogam ee cilmaaniga Turkiga ay horjeedo horjeedo Islaamka iyo ehelkiisa. Dowladda Turkiga ayuu sheegay inay Gaallada u adeegto.