Amiirka Alshabaab ninka lagu magacaabo Sheekh Axmed Cumar (Abuu Cubeyda) ayaa farriin cod ah oo laga soo duubay uga hadlay xaaladda Soomaaliya, tan Muqdisho iyo Doorashooyinka Federaalka ee lagu wado dhacaan sanadkan.
Farriinka Amiirka Alshabaab oo lagu soo begay munaasabadda Ciidul Adxaa ayaa soconeyda muddo 36 daqiiiqo ah, wuxuuna ku dooday inuu dalku ku jiro Maxmiyad, taasoo ay caddeyn u tahay sida uu yiri in amarrada kasoo baxa Xalane oo dalka laga maamulo iyo shirarkii Afisyoone ka dhacay.
“Waxaan uga digeynaa umaddeena inay ka qeyb qaadato Doorasho ku sheegga dalka laga hirgelinayo, waxana uga digeynaa inay qeyb ka noqoto gumeysiga uu dalku ku jiro, garab iyo sharciyadna siiso ajendaha Gaaladu wadato ee salka ku haya la dirirka Shareecada Islaamka..” ayaa ka mid ahaa Farriinta Amiirka Alshabaab.
Wuxuu si gaara ugu digay ergada soo xusha xildhibaannada isagoo yiri: ” Mujaahidiintu waxay kasoo horjeedaan qorshe kasa oo diinta ka hor imaanaya.. waxaan digniin iyo dardaaran u direynaa ergada wax soo xusha.. amnigiinaa ma sugi doonaan kuwa mansab raadiska ah, haku kedsoomina inaad dhaqaale heli doontaan; waa inaad ku tusaale qaadataan kuwii idinka horeeyay iyo inta ka nool nolosha ay ku nool yihiin”.
Amiirka Alshabaab oo ka hadlay lix caqabad oo ku hor gudban dowladnimada Soomaaliya, isagoo madaxda dowladda Federaalka ugu baaqay inay towbad keenaan, taasina ay ka jecel yihiin inay la dagaalamaan ama la dilo.
Wuxuu weerar culus ku qaaday Culimada ka mida Hay’adda Culimada Soomaaliyeed, isagoo sheegay inay xalaaleyso xumaanta ay ku jiraan madaxda dowladda federaalka, kuna raacay madaxdaasi in dalka lagu xukumo wax aan ahayn kitaabka Alle, wuxuunao dusha ka saaray xukun ah inay diinta ka baxeen, kana mid yihiin caqabadaha Soomaaliya heysta.
Axmed Abuu Cubeyda wuxuu bogaadiyey maamullada Alshabaab ee Wilaayaadka loo yaqaan, kuwaasoo uu sheegay inay damiyeen colaadii u dhaxeysay beelaha Soomaaliyeed, ayna tusaale u yihiin sida uu yiri inay Soomaaliya diinta ku midoobi karto.

.