Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegay in madaxweynaha cusub Xasan Sheekh Maxamuud uu soo saaray amarkiisii ugu horeeyay ee madaxweyne, kadib markii la doortay 15 May 2022.
Xasan Shekeh ayaa amray in safiirka dowladda Imaaraadka Carabta lagu wareejiyo lacagtii laga qabtay sanadkii 2018 oo keenay inuu xumaado xiriirka dowladdii Farmaajo iyo Imaaraadka Carabta.
Amarka Xasan Sheekh kadib ayaa la sheegay inay Bankiga Dhexe tageen Safiirka Imaaradka oo uu wehliyo Wasiirka Amniga Cabdulaahi Maxamed Nuur, ayna halkaas oo kala baxeen lacagtii dhanmmeyd 9.6 Milyan oo Dollar ee Imaaradku lahaa oo lagu wareejiyey safiirka.
Hore waxaa lacagtan in la fasaxo u amray Ra’iisal wasaare Rooble, balse waxaa ka hor yimid Madaxweynihii hore Maxamed Farmaajo.
Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa goor dhoweyd u dhoofay dalka Imaaraadka Carabta, isagoo la sheegay inuu ka qeyb galayo tacsida madaxweynihii dlkaasi, isagoo madaxda dalkaasi u gudbinaya dhambaal uu ka sido Madaxweynaha cusub ee Xasan Sheekh Maxamuud.