Tuesday, December 10, 2024

Amar Lacago looga jarayo Mushaarkooda oo lagu soo rogay Wasiirada iyo Shaqaalaha Dowladda

Xukuumadda dowladda Federaalka ayaa lacago laga jarayo kusoo rogtay xubnaha Golaha Wasiirada iyo Shaqalaha dowladda ee darajada mushaarkoodu yahay ‘A’.

Arrinan oo laga ansixiyey Golaha Wasiirada ayaa toddobaadkan kusoo baxday wareegto uu soo saaray Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, isagoo faray Wasaaradda  Maaliyadda in Mushaarka Xubnaha Golaha wasiirada iyo Shaqaalahaasi ka jarto, iyadoo loo adeegsan doono dagaalka Alshabaab.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa lacagaha Gunada ah oo ay qaataan Xubnaha Golaha wasiirada oo qaata $3000 ka jareysa 20%, sidoo kale waxay Shaqaalaha Dowladda ee darajada ‘A’ oo qaata mushaar ahaan $700 ka jareysa 5%.

Ad

Lacagtan oo xisaab gaara lagu shubayo ayaan la ogeyn sida loo maamulayo iyo cidda maamuli doonta,iyadoo socon doonta 3 bilood ama inta dagaalku ka dhammaanayo; waxaana horey sidan oo kale lacago looga jaray wasiiirada iyo shaqaalaha xilligii Ra’iisal wasaare Rooble oo abaaraha markas loo qoondeeyay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON