Kooxda Alshabaab ayaa la wareegtay xalay saqdii dhexe degaanada Awdhiigle iyo Mubaarak ee Shabeelaha Hoose kadib markii weerar culus ay ku soo qaadeen Saqdii dhexe, waxayna wararku sheegayaan in ciidamada dowladda ay isaga baxeen duulaankaasi kadib.
Degaanadaas oo guutada 5-aad ee ciidanka Xoogga ay ku sugnaayeen ayaa loo awood sheegtay, qaar ka mida saraakiisha ciidamada ee degaankaas joogay ayaa qirtay in Alshabaab la wareegeen Aw-dhiigle iyo Mubaarak, waxayse intaas ku dareen inay dib isu abaabulayaan si ay dib ugu qabsadaan.
Ciidamo dowladda ayaa weerar rogaal celis ah ku qaaday degaanada laga qabsaday iyadoo wararkii ugu danbeeyay ay sheegayaan inuu dagaal culus socdo. Saddex askari oo ka mida ciidamada dowladda oo ku sugnaa Awdheegle ayaa la sheegay in Alshabaabku qabteen ayna gowraceen.
Waa markii ugu horeeyay ee Alshabaab ay dib u qabsato degaano ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda, tan iyo markii howlgalka badweynta India uu bilowday, howlgalkaas oo degaano badan looga qabsaday kooxda Alshabaab ayaa la hakiyay iyadoo aan la ogeyn qaabka loo joojiyay.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML”]
[ad name=”HTML-6″]