Wararka laga helayo Magaalada Marko ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in maleeshiyada Al-Shabaab ay rasaas ku fureen Doon Kalluumeysi, iyagoo qof ku dhintay doontaasi.
Doonta oo mareysay inta u dhaxeysa degaanada Jilib Marko iyo Gendarshe ayaa la sheegay inay ku socotay magaalada Muqdisho, iyadoo mareysay meel u dhow xeebta, waxaana arkay maleeshiyada Alshabaab oo rasaas ku furay, waxaana Doona ku dhintay Naaquudihi doonta.
Sida uu sheegay Maxamed Cismaan Yariisow oo ah Gudoomiyihii hore ee degmada Marko waxaa doonta lahaa Kalluumeysato, waxaana la socday 4 qof oo midkooda dhintay, mid kalena uu dhaawac soo gaaray, waxayna dib ugu laabatay magaalada Marko.
Alshabaab aya go’doon geliyey magaalada Marko ee Gobolka Sh/hoose, iyadoo dadka iyo ciidamada ku sugan ay adeegsadaan Doonyo u kala socda Muqdisho iyo Marko.