Wednesday, December 6, 2023

Alshabaab Weerarro iyo Qaraxyo Caawa ka fulisay magaalada Muqdisho iyo Faahfaahin

Qaraxyo ayaa caawa laga maqlay qeybo ka mida magaalada Muqdisho, iyadoo sidoo kale maleeshiyo ka tirsan Alshabaab ay weerarro ka fuliyeen xarumo ay degan yihiinciidmada dowladda.

Weerar loo adeegsaday Garneylada 7-ka ayaa lagu qaaday Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Xerada Guulwadayaasha caasimadda Muqdisho ayaa keenay inay qaar ka mida madaafiicda ku dhacaan xaafadaha Shiirkole iyo Oodweyne, waxaana soo baxay warar sheegaya inay qasaare geysteen.

Weerarrada oo bilowday ka hor Maqribnimadii ayaa, haddana mar kale dhacay maqribkii kadib, waxaana rasaas is weydaarsaday maleeshiyada weerarka soo qaaday iyo ciidamada ku sugnaa labada xarun.

Ad

Dhinaca kale Dabley kale ayaa weerar toos ah ku qaaday Bar koontarool oo ciidamada Booliska ku leeyihiin xaafadda xaafadda Ex. Kontoral ee Suuqa Xoolaha, degmada Heliwaa, waxaana la maqlay rasaas culus io qaraxyo goobta ka dhacay.

Alshabaab ayaa xoojisay dilalka qorsheysan, Weerarrada, iyo hoobiyeyaasha ay ka fulineyso magalaada Muqdisho iyo Gobollada dalka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON