Ciidamada Booliska magaalada Muqdisho ayaa gacanta ku dhigtay xubno lagu tuhunsan yahay Alshabaab oo weerar ku geystay Mooto Bajaaj ay wateen.
Sida uu sheegay Afhayeenka Booliska ayaa sheegay in Laba xubood oo Alshabaabnimo loo heysto lagu qabtay, kadib markii ay weerar Bam fuliyeen, kuna weerarraan dad shacab ah oo ku sugnaa wadadda 21 Oktoobar, iyagoo watay Mooto Bajaaj, ku dhaawacmeen weerarka.
“ Ciidamada Boliiska Soomaaliyeed ayaa Maanta oo taariikhdu tahay 10/11/2022 abaara 10:30 gacanta ku dhigay eedeysanayaal watay Mooto Bajaaj, ku waas oo la rumaysanyahay in ay ku tuureen Bombo gacmeed dadweynihii marayay wadada 21 OCT aagga Hotel Nasahablood” ayuu yiir Afhayeenka Booliska Sadiiq Doodishe.
Wuxuu Afhayeenka intaas ku daray in eedeysanayaasha ay iyagii ku qaraxday Bambadii ay tuureen, ciidamada Amnigana ay geeyeen isbitaal lagu dabiibayo.
