Wararka laga helayo magaalada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in shalay gelinkii dambe halkaasi lagu toogtay Nin lagu eedeeyay inuu aflagaadeeyay Suubanaha Nebi Muxamed NNKH ﷺ.
Maxkamadda Alshabaab ee Ceelbuur ayaa xukun dil diin ka bax ah ku riday nin oday waayeel ah oo 87 sano jir ah, kaasoo lagu magacaabo Xasan Tooxoow Fiidoow (Xasan Luglug) oo la sheegay inuu inuu u gefay Nabi Muxamad NNKH.
Garsooraha Maxkamadda Alshabaab ayaa sheegay in Odaygan uu ka sheekeeyay taariikhda Idaacaddaha Soomaaliya, markii la weydiiyeyna inuu garanayo Abtiriska Nebiga SCW.? balse wuxuu ku jawaabay: “Marka aan baranayo Abtirsigiisa ma aniga ayaa dhalay ama ‘Ma aniga ayaa habartiis ka dhalay..” , garsooraha ayaa xukuiyey in falkaasina ay u arkeen inuu yahay xad riddo (Diin ka bax ah), laguna xukumay Dil toogasho ah.
Laba nin ayaa ku markhaati furay inuu yiri labada hadal ee hore ama midkood, laakiin Oday Xasan Lugulug ayaa isagu ku dooday inuusan u gefin Nebiga ee uu sheegay inuusan garaneynin abtiriskiisa.
Ninkan ayaa waxa soo eedeeyay dad la sheegay inay ay deris yihiin oo la deganaa degaanka Xiindheere, iyagoo ku markhaati furay, waxaana lagu fuliyey Xukun dil toogasho ah, waxaana dilka lagu fuliyey fagaare ku yaala magaalada Ceelbuur.