Wararka laga helayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Maleeshiyaadka Al-Shabaab ay weerar ku qaaday degaanka Geriley oo ka mida saldhigyadii ay dhowaan ka baxeen ciidamada Midowga Afrika ee AMTIS.
Saldhiggan oo ay ku sugnaayeen ciidamada Kenya ee ATMIS ayaa lagu wareejiyay ciidamada maamulka Jubbaland iyo ciidamada dowladda Federaalka, wuxuuna weerarkan dhacay gelinkii danbe ee maanta.
Degaanka Geriley oo ka tirsan gobolka Gedo ayaa la sheegay inay weli gacanta ku hayaan ciidamada Jubaland iyo kuwa xoogga dalka, isla markaana ay iska caabiyeen, dibna u waabiyeen weerarka Alshabaab.
Ma cadda khasaaraha ka dhashay weerarka, waxaana uu weerarkan noqonayaa kii ugu horeeyay ee Alshabaab ku qaado mid ka mida lix saldhig oo ay ciidamda AMTIS dhowaan ka baxeen.