Maleeshiyada Alshabaab ayaa Saqdii dhexe kadib weerar dhowr jiho ah ku qaaday degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho, xilli dagaallo culus ay ka socdaan Gobolka Galgaduud.
Weerarka oo ahaa mid toos ah kii ugu weynaa ee muddooyinkan ka dhaca ayey Alshabaab ku qaadaan ilaa afar jiho, waxayna adeegsadeen hubka qoryaa culus iyo Baasuukayaasha, taasoo keena in la damiyo korontadii degmada.
Maleeshiyada Alshabaab waxay weerarreen xarunta degmada. Saldhigga booliska iyo bar ciidan oo degmada kaxda ku yaalla, iyagoo weerarka ku bilaabay qaraxy Gaari is-miidaamin ah.
Rasaas xoog leh iyo qaraxyo ayaa daqiiqado badan ka socday xaafadaha Kaxda, waxaana gurmad ahaan dagaalka ugu biiray ciidamo boolis ah iyo Booliska milateriga, iyadoo mid ka mida gaari ay wateen Miino lala beegsaday.
Laba askari ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen weerarka, sidoo kale waxaa ku dhaawacmay tiro ciidamo iyo shacab isugu jira. Faahfaahinta qasaaraha ayaa weli soo baxaya oo la filayo inay war kasoo saaraan Hay’adaha Amniga.
Ciidmada Amniga ayaa iska caabiyay weerarka Alshabaab, waxaana dib loo waabiyay maleeshiyadii weerarka soo qaaday oo markii ay dib u gurteen adeegsaday Garneylada Baasuukayaasha.
Hay’adaha Amniga dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin weerarka Alshabab iyo qasaaraha ka dhashay, laakiin Alshabaab ayaa sheegtya in weerar cag-marin ah toos ah ay ku qaaday degmada Kaxda ee Muqdisho.