Monday, February 10, 2025

Alshabaab oo Weerar ku qaaday Xuduudka Itoobiya iyo dagaal dhex maray Liyuu Boolis

Alshabaab ayaa shalay weerar culus ku qaaday, kadibna qabasaday lava magaalo oo ka tirsan Gobolka Bakool ee maamulka K/Galbeed, ayna maamulaan Ciidamada Liyuu Booliska dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya.

Ciidamada Deegaanka Soomaalida ee Liyuu Booliiska ayaa maamulka Magaalooyinka Yeed iyo Caato, waxaana dagaalka dhex maray Al-Shabaab uu ahaa kii ugu cuslaa, iyadoo Alshabaab ay saddex jihoo ka weerarreen labadaasi magaalo iyo degaanka kale ee Washaaqo oo ka tirsan Gobolka Bakool.

Alshabaab ayaa sheegatay inay la wareegtay labada magaalo ee Yeed iyo Caato, waxaana la jaray isgaarsiintii degaankaasi, iyadoo qasaare badan halkaasi uu ka dhacay, sida laga soo xigtay dadka degaanka.

Ad

Wararka qaar ayaa sheegaya in Alshabaab isaga baxeen magaalada degaanka Washaaqo, balse ay weli ku heystaan magaalooyinka Yeed iyo Caato, waxaase wararkii ugu danbeeyay ay sheegayaan inay ka baxeen magaalooyinkaasi.

Dadka degaanka Soomaalida ayaa sheegay inay Al-Shabaab gudaha u gashay Dowladda Deegaanka Soomaalida in ka badan 70 KM, kadib dagaallo socda ilaa shalay oo ka dhacay xuduudka Gobolka Bakool ee Maamulka koonfur-galbeed, una u dhexeeyey Liyuu Booliiska DDS iyo Al-Shabaab.

Ilaa iyo 16 gaadiidka dagaal ah oo ay wataan al-Shabaab ayaa gudaha u galay Dawlad Deegaanka Soomaalida, waxayna wararku sheegayaan in markii ugu danbeysay ku sugnaayeen miyiga degmada Hargeelle.

- Advertisement -

Gurmad ciidamada Itoobiya iyo kuwa Liyuu Booliska dowlad Degaanka Soomaalida ayaa ka socda xuduudka Soomaaliya iyo Itoobiya, wuxuuna dagaalkan imaanayaa xilli ay madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ku dhawaaqeen inay olole weyn oo dagaal ku qaadayaan Alshabaab.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON