Wararka laga helayo Gobolka SH/Hoose ayaa sheegaya in weerar culus ay maleeshiyada Alshabaab saaka ku qaadeen saldhiga ciidamada dowladda ee degaanka Busleey, xeebta Jasiira.
Weerarka oo ahaa mid gaadmo ah oo maleeshiyada Alshabaab ah ay dhowr jiho uga qaadeen saldhigga Busleey ee xeebta Jaziira, duleedka Muqdisho oo ah saldhig ay dhowaan ciidamada dowladda halkaasi ka sameysteen.
Alshabaaba ayaa sheegatay inay cagta marisay saldhiga, isla markaana ay qasaare badan u geysteen ciidamadii halkaas ku jiray, iyagoo dilay askar ka badan 57, qaarkoodna ay maxaabiis ahaan u qabsadeen, basle ma jirto cid xaqiijisay sheegashadan.
Taliska ciidamada dowladda ayaan wax war ah kasoo saarin weerarkan, waxaana laga soo xigtay saraakiil ka tirsa ciidamada dowladda inuu dagaalka ku dhintay sarkaal sare oo lagu magacaabo Liibaan Golcad oo ka tirsanaa ciidamada Booliska-Milateriga iyo askar badan, iyadoo qasaare badan uu jiro.