Monday, April 15, 2024

Alshabaab oo weerar ku galay Degaan ku yaalla duleedka Magaalada Baydhaba & Wararkii ugu danbeeyay…

Wararka laga helayo Gobolka Bay ayaa sheegaya in Alshabaab ay weerar culus ku qaadeen degaanka Goof-gaduud buurey ee duleedka magaalada Baydhaba.

Weerarkan oo dhacay saaka aroortii ayey Alshabaab ku galeen saldhigga ay ciidamada dowladda iyo kuwa K/Galbeed ku leeyihiin halkaasi, waxaana dadka degaanka ay sheegeen in Maleeshiyada Alshabaab ay gudaha u galeen saldhigga oo dagaal xoog leh ku dhex maray ciidamada dowladda.

Qasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa la sheegay inay kala gaareen labada ciidan, iyadoo hawada laga saaray isgaarsiinta degaankaasi. Dhinca kale waxaa magaalada Baydhaba laga diray ciidamo gurmad ah oo gaaray Goof-gaduud.

Ad

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Alshabaab ay sheegatay weerarka lagu qaaday degaanka Goof-gaduud, waxayna intaas ku dareen inay ku dileen 8 askari oo ka mida ciidamada maamulka K/Galbeed, ayna qabsadeen saldhigga.

Dhinaca kale ciidamada dowladda iyo mamulka K/Galbeed ayaa dib ula wareegay degaanka Goof-gaduud oo 30 KM u jira magaalada Baydhaba, waxaana la sheegay in ku dhowaad 10 Alshabaab lagu dilay weerarka oo ahaa mid qasaare badan dhaliyey.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON