Tuesday, February 18, 2025

Alshabaab oo Weerar is-miidaamin ah ku qaaday Hotel SYL iyo Dabley gudaha u gashay..

Qarax culus ayaa caawa fiidkii laga maqlay caasimadda Muqdisho, waxaana weerar ku bilowday Qarax is-miidaamiye lagu qaaday Hotelka SYL oo ku taalla iridka laga galo Madaxtooyada Somaliya.

Qaraxa oo loo maleynayo inuu fulyay qof xiran Jaakad miineysay kadib ayaa la sheegay in dabley hubaysan ay gudaha u galeenHotel SYL oo ah hotel ay ku badan yihiin Mas’uuliyiint dowladdaee kala duwan, muddo kadibna waxaa la maqlay qarax labaad oo wararku sheegeen inuu ka dhacay Gudaha Hotelka.

Alshabaab ayaa sheegay in kooxdeeda is-miidaamiyeyaasha ay caawa howlgal culus uu gelid ah ku qaadeen hotelka SYL, kaasoo ku bilowday Qarax culus miidaamin ah, isla markaana ay xigtay maleeshiyo gudaha u galay dhismaha Hotelka.

Ad

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Hotelka ay ka badbaadeen xildhibaano iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo qaarkood dhaawacyo soo gaareen markii ay ka daateen derbiyad Hotelka.

Ma jiro ilaa iminka wax war ah oo kasoo Hay’adaha dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir, wuxuuna weerarkan imaanayaa iyadoo muddooyinkan danbe aysan caasimadda ka dhicin qaraxyo noocan oo kale ah.

Qasaaraha ayaan weli la ogey, waxaana hadda soo baxaya faahfaahinta qaraxa iyo weerarka Alshabaab ku qaaday Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON