Maleeshiyada Alshabaab ayaa saaka weerar culus kula jarmaaday degaanka Shabeellow ee Gobolka Mudug, qeybta maamulka Galmudug, iyadoo dagaal culus uu halkaasi dhacay.
Wararka ayaa sheegaya inuu dagaalku ku biiowday qaraxyo is-miidaamin ah, kadibna ay dhowr jiho Alshabaab ka weerarreen saldhiggii ciidamada dowlada iyo kuwa Galmudug ee Shabeelow.
Warbaahinta dolwadda ayaa baahisay in ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ay iska caabiyeen weerarka Alshabaab, ayna qasaare gaarsiiyeen maleeshiyadii Khawaarijta ee soo weerattay.
Taaliska Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay iyagoo kaashanaya dadka Degaanka ainay ka hortageen weerarkii Alshabaab, ayna ka dileen ilaa 21 maleeshiyaad ah, sidoo kalena ay gubeen 4 gaari oo mid ka mid ah uu yahay gaari Biijii ah.
Dhinaca akle Alshabaab ayaa sheegatay inay cagta marisay, lana wareegtay saldhigii ciidamada dowladda ee degaanka Shabeelow, ayna qasaare culus gaarsiiyay, iyadoo gubtay gaari Cabdi-bille ah.