Friday, April 12, 2024

Alshabaab oo weerar culus ku qaaday Saldhigii Ciidamada ATMIS ee Buulomareer iyo wararkii ugu..

Wararka laga helayo Gobolka Shabeelada Hoose ayaa sheega in maleeshiyada Alshabaab ay saaka weerar culus ku qaaday saldhigii ciidamada ATMIS ee Buulomareer.

Weerarka ayaa ku bilowday qaraxyo waaweyn oo saldhigga lagu qaaday, waxaana xigay dagaal toos ah. Qasaaraha ayaan weli kala caddeyn, iyadoo dadka degaanka ay sheegeen in weerarku ahaa mid culus iyo rasaas xoog leh oo laga maqlay saldhigga ATMIS.

Alshabab ayaa war ay soo saartay ku sheegtay inay cagta marisay saldhigii Ciidamada Uganda ee Buulomareer, ayna qasaare baaxad leh gaarsiiyeen ciidamada Uganda, iyadoo si buuxda ula wareegay Saldhigga.

Ad

Ma jirto cid caqiijisay sheegashada Alshabaab, waxaana soo baxaya faahfaahinta weerarka oo dhacay Saakay aroortii hore. Taliska ATMIS iyo Dowladda Federaalka ayaan weli ka hadlin weerarkan.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in boqolaal Alshabaab ah ay gudaha u galeen Buulomareer, iyadoo lagu arkay magaalada iyo Saldhigii AMISOM, iyadoo weerarkan lagu sheegay midkii ugu weynaa muddooyinkan.

La soco…

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON