Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Dagaal culus oo degaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud ay saaka ku qaadeen Maleeshiyada Alshabaab, kaasoo dhaliyay qasaare xoog leh.
Sida wararku sheegayaan dagaal culus ayaa dhex maray ciidamada degaanka, Daraawiishta Galmudug iyo ciidamada Xooga Dalka, wuxuuna Weerarkuku bilowday qaraxyo is-miidaamin ahaa.
Qasaasha ka dhashay dagaalka degaanka Qaayib ayaa ua badan Alshabaabkii weerarka soo qaaday, iyadoo sidoo kale Isbitaalka magaalada Baxdo la geeyay dhaawacyo ka mida ciidamada dwladda iyo kuwa degaanka.
Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in ciidamada xoogag iyo kuwa deegaanka ay fashiliyeen saddex qarax oo ‘Al-shabaab ay doonayeen in ay ku gaystaan waxyeelo degaanka Qaayib, iyadoo la iska caabiyey, dibna loo celiyay weerarkii Alshabaab.
Dhinaca kale Alshabaab ayaa sheegatay inay dagaal kula wareegtay degaanka Qaayib, isla markaana aya qasaare baaxad leh gaarsiisay ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka, iyadoo dishay 43 askari iyo dhaawaca 51 kal, halka ay k uqabsatay 5 Gaari.
Dhowaan ayey ahayd markii degaanka Qaayib ay hortaantii bishan dagaal culus ku qaadeen Alshabaab, waana markii labaad ee Alshabaab weerarto degaanka Bil gudaheed.
