Thursday, April 24, 2025

Alshabaab oo War kasoo saartay Sarkaal Boolis ah oo Qarax lagu dilay Muqdisho

War goor dhoweyd kasoo baxay Alshabaab ayey ku sheegatay mas’uuliyadda Qarax Gaari oo maanta ka dhacay Muqdisho, kaasoo lagu dilay sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Booliska.

Warka Alshabaab ayaa lagu sheegay in Xarakada ay ka danbeysay qaraxa, ayna fuliyeen kooxda qaraxyada ee Alshabaab oo degmada Xamarweyne ku dilay sarkaal ka tirsan Booliska dowladda Soomaaliya.

Alshabaab ayaab bixin faahfaahin kale, waxayna sheegtay ilaa saddex qarax oo laba toddobaad gudahood kadhacay Muqdisho, kuwaasoo lala beegsaday saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska.

Ad

Qaraxa maanta oo ka dhacay degmada Xamarweyne, agagaarka Guriga Hooyooyinka waxaa ku dhintay sarkaal magaciisa lagu sheegay Jaabiri iyo askari la socday.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON