Alshabaab ayaa War kasoo saartay Qarax is-miidaamin ahaa oo maanta duhurtii ka dhacay Waqooyiga magaalada Gaalkacyo, kaasoo lagu dilay Guddoomiyihii Gobolka Mudug ee Puntland.
Warka Al-Shabaab soo saartay ayey ku sheegatay mas’uuliyadda Qaraxaasi, wuxuuna taliska ciidamada Alshabaab uu shaaciyey inay qarax ku dileen Guddoomiyihii gobolka Mudug ee maamulka Puntland, markii camaliyad istish-haadi lala beegsaday, sida warkaasi algu sheegay.
Wararka laga helay magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in qaraxa loo adeegsaday Mooto Bajaaj, iyadoo ay ku dhinteen Guddooomiyaha Gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur iyo saddex ka mida ilaaladiisa oo la socotay.
