Thursday, April 24, 2025

Alshabaab oo War kasoo saartay Qarixii lagu dilay Guddoomiyaha degmada Aw-dheegle

Alshabaab ayaa sheegtay inay ka danbeysay dilka Guddoomiyihii degmada Awdheegle oo maanta ku dhintay Qarax Miino oo lagu qaaday Gaari uu la socday agagaarka degaanka Sabiid ee Gobolka Sh/Hoose.

Warbaahinta Alshabaabul ayaa shaacisay in mas’uuliyadda weerarka Miinada ay ka danbeeyeen kooxda qaraxyada Alshabaab, waxayna Alshabaab sheegtay inay ku dishay guddomiye Maxamed yarow iyo shan ka mida ciidamadii la socday.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali (Najax) ayaa xaqiijiyey geerida Guddoomiyaha Awdheegle oo muddo lix sano ah guddoomiye ka ahaa degmada, isla markaana ay Alshabaab marar badan isku dayeen khaarijintiisa.

Ad

Waxay kaloo Alshabaab sheegteen inay Afar askari ku dileen qarax ka dhacay degaanka Muuri ee Gobolka Sh/Hoose, iyadoo dadka degaanka ay sheegeen in dadkan oo Mooto la socay uu qabasaday qarax kale oo miino ayna ahaayeen shacab.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON