Saturday, October 12, 2024

Alshabaab oo War kasoo saartay Heshiiska Milateri ee Somaliya iyo Turkiga

Al-Shabaab ayaa ka hadashay heshiiska milateri iyo dhaqaale ee ay gaareen dalalka Somaliya iyo Turkiga, kaasoo ay shalay ansixiyeen Golayaasha Wasiirada iyo Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaliya.

Wararka ayaa sheegaya kasoo baxay Alshabaab ayaa lagu sheegay inuu sharci darro ayahay heshiiskaasi, ayna kasoo horjeedo Alshabaab Iskaashiga Difaaca iyo Dhaqaalaha ee dowladda federaalka Soomaaliya ay la gashay dalka Turkiga.

Alshabaab waxay ku dooday in heshiiskan ka dhigan yahay qabashada kheyraadka Soomaaliya iyo in loo gacan geliyo dal ajnabi ah, iyadoo Turkiga ku eedeysay inuu yahay dal faragelin ku haya Soomaaliya oo wakiil ka ah reer Galbeedka.

Ad

Turkiga oo si weyn u taageera dowladda Soomaaliya, isla markaana tababarra ciidamada Gorgor ee kumaandooska ayey Alshabaab u aragtaa caddow, waxayna weerarro la beegsaday muwaadiniin iyo saraakiil Turki ah gudaha Soomaaliya.

Dhinaca kale Diyaaradaha Drone-ka Turkiga ayaa si joogto ah u duqeeya xarumaha Alshabaab ee Koonfurta Soomaaliya ugu badan ee la dagaalama Alshabaab Marka laga soo tago tababarka ciidamada Soomaaliya, taasoo ka dhigatay Turkiga dalalka ugu waaweyn ee Alshabaab halista u aragto.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON