Wednesday, January 15, 2025

Alshabaab oo toogasho ku dishay 6 Qof oo lagu eedeeyay Basaasnimo iyo Magacyadooda

Alshabaab ayaa magaalada Jilib dil toogasho ah ku fulisay lix qof oo rag ah oo ay ku eedeeysay inay ahaayeen basaasiisn u shaqeynayeysirdoonka ee Mareykanka, Kenya iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ragga la dilay waxaa Garsooraha Alshabaab uu sheegay inay qirten denbiyada lagu soo eedeeyay, waxaana ka mida nin la sheega inuu muddo dheer u shaqeynayey sirdoonka Mareykanka oo ragga kale qaarkood isagu qortay.

LIXDA QOF EE ALSHABAAB TOOGATASHAY AYAA KALA AH:

Ad

1: Cabdirisaaq Ciise AxmeD ( Maqas) waxa Al-Shabaab ku eedeeyeen inay uu la shaqeeynayay Sirdoonka Mareykanka 13 sano, isla markaana uu qeyb ka ahaa duqeymo diyaaradeed oo lagu dilay madaxda Alshabaab.

2: Xasan Gaarane Muuse oo loo yaqaano (Dr Ayuub 41 sano jir), waxay Al-Shabaab ku eedeeyeen inuu la Shaqeeynayay sirdoonada Mareykanka, kenya iyo Soomaaliya, isla markaana uu qeyb ka ahaa ilaa 20 duqeymood Ciidamada kenya ka geysteen Gobolada Jubbooyinka & dilkii Maamulihii Shirkadda Hormuud ee degmada Jilib.

3: Cabdullaahi Cali Ismaaciil (28 sano jir) oo Shabaab ku eedeeyeen inuu la shaqeynayay ciidamada Mareykanka uu tababaray ee Bangaraafta iyo kuwa Jubbaland uuna ka qeyb qaatay weeraro dhowr jeer lagu qaaday Xarumo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

- Advertisement -

4: Shire Yuusuf Xersi (50 sano jir), kaas oo lagu eedeeyay in uu muddo 3 sano ah la shaqeynayay Sirdoonka Mareykanka, isla markaana uu bixiyay xogta 10 kamid ah Saraakiisha Al-Shabaab oo la weeraray.

5: Axmed Mukhtaar Aadan (29 sano jir) waxay ay Al-Shabaab ku eedeeyeen in uu l ashaqeeynayay Ciidamada Maamulka Jubbaland isla markaana uu Saraakiisha Ciidamada Jubbaland u gudbiyay xogta weeraro ay kusoo qaadi rabeen Al-Shabaab.

6: Ismaaciil Cabduweli Cismaan (Shoobin 33-sano jir) oo lagu eedeeyay inuu la shaqeeynayay Sirdoonka Mareykanka, gaarnaa shaqeynayay Xasan Gaarane Muuse oo loo yaqaano (Dr. Ayuub), isla markaana uu bixiyay xogta saraakiil katirsan Al-Shabaab oo lagu dilay duqeyn diyaaradeed.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON