Alshabaab ayaa baahisay muuqaalka Maleeshiyadii ugu tirada badneyd ee tababar loo soo xiro, iyadoo laga sugayo Khudbad maqal iyo muuqaal ah oo madaxda ururka ay ka jeediyeen Xafladaasi.
Ciidamadan oo si weyn u hubeysan ayey Alshabaab sheegtay inay ka tababar ku qaateen Saldhigga tababarka ee Sayid Maxamed Cabdule Xasan oo aan la sheegin halka uu ku yaallo.
Warka Alshabaab soo saari doonto ayaa ku saabsan xaaladda Soomaaliya, dagaalka culus ee dowladda Xasan Sheekh ku furtay, xaaladda abaaraha, iyo mowqifkooda ciidamda ATMIS.
Alshabaab waxay si hordhac ah u baahisay sawirrada maleeshiyada tababarka loogu soo xiray Saldhigga loo bixiyey Sayid Maxamed Cabdulle Xasan. ciidamada waxaa ka mid ahaa cutubka is-qarxiyeyaasha.





