Alshabaab ayaa soo bandhigay meydadka ciidamada Liyuu Police iyo kuwa Itoobiya oo ay dagaal kula galeen magaalooyin ku yaalla xuduudka Gobolka Bakool iyo Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya.
Warbaahinta Al-Shabaab ayaa baahisay muuqaallada askar lagu dilay dagaalkii shalay ka dhacay magaalooyinka Yeed iyo Caato, meydadka askarta Liyu Police iyo xarum ciidan oo la gubay, waxayna sheegatay inay dagaalkaasi ku dileen ilaa 87 askari oo Itoobiyaan ah.
Sawirrada Alshabaab baahisay waxaa ka muuqda meydadla ciidamada Liyu Police iyo xarumo gubnaya, sidoo kale waxaa lagu arkayaa meydadka askarta oo yaalla qeybo ka mida Yeed iyo Caato.
Dhinaca Mas’uuliyiinta dowlad deganaka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegay inay dib ula waregeen magaalooyinkii ay soo weerarreen Alshabaab shalay, kana saareen.








