Alshabab ayaa sheegatay inay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu ka badbaaday weerar ay u qorsheeyeen inay ku khaarijiyaan oo ay ku qaadeen magaalada Marko ee Gobolka Sh/Hoose oo uu maanta booqday.
War kasoo baxay Xarakada Alshabaab ayaa lagu sheegay inay magaalada Marko ku qaadeen weerar madaafiic ah oo loo qorsheeyay inay lagu khaarijiyo Ra’iisal wasaare Kheyre, balse uu ka badbaaday, waxayna intaas ku dareen inay weerarka madaafiicda ku dileen qaar ka mida ilaaladiisa.
Wararkii hore ee laga helay magaalada ayaa sheegay in laba madfac oo hoobiye ah ay Alshabaab ku weerarreen magaalada, kuwaasoo midkood ku dhacay Guri dad shacab ah, ayna ku dhinteen 2 haween ah, iyadoo saddex qof oo kale ay ku dhaawacmeen.
Ra’iisal wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa ku laabtay magaalada Muqdisho, waxaana caawa hawada ka maqan Isgaarsiinta magaalada Marko.