Alshabaab ayaa shaacisay inay maqaalada Muqdisho iyo degaanka Ceelasha biyaha ka geystay falal lagu khaarijiyey sarkaal ka tirsan NISA iyo oday ka mid ahaa erghadii Doorashada.
Sida lagu sheegay war kasoo baxay Alshabaab dabley ka tirsan ayaa magaalada Muqdisho ku dilay degmada Wadajir, kaasoo lagu magacaabi jiray C/llaahi Maxamed Isxaaq oo sheegeen inuu caan ka ahaa degmada Wadajir.
Dhinaca kale waxay kaloo sheegatay inay dabley ka tirsan xalay deegaanka Ceelasha Biyaha ku dileen Maxamed Aadan Sagaaroow oo ka mid ahaa Ergadii soo dhisay maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Hay’adaha Amniga iyo saraakiisha dowladda, iyadoo muddooyinkii danbe ay sii kordheen weerarrada qorsheysan ee Alshabaab.