Wednesday, February 19, 2025

Alshabaab oo sheegatay inay askar badan oo Jabuutiyaan ah ku dileen Weerar ka dhacay Jalalaqsi..

Kooxda Alshabaab ayaa shaacisay in weerar ka dhacay degmada Jalalaqsi ay ku dileen 13 askari oo ka tirsan ciidamada Jabuuti AMISOM.

Weerarka ayay Alshabaab sheegtay inuu isugu jiray qaraxyo iyo dagaal toos ah oo duleedka degmada Jalalaqsi ciidamada AMISOM iyo maleeshiyada Alshabaab, kadibna uu dagaalku ku baahay gudaha degmada Jalalaqsi.

Warbaahinta Alshabaab ayaa sheegtay in gaari gaashaaman oo ay wateen ciidamada Jabuuti lagu gubay qaraxyo ka dhacay agagaarka Buundada degmada Jalalaqsi, iyadoo wararka ay qoreen warbaahinta taageerta Alshabaab lagu sheegay in qaraxyadai yo weerarka lagu dilay 13 askari oo Jabuutiyan ah.

Dhinaca kale mas’uuliyiinta degmada Jalalaqsi ayaa beeniyay sheegashada Alshabab, waxayna caddeeyeen in weerarku ahaa mid kooban oo Alshabab soo qaadeen, isla markaana aanu dhcin dagaal xoog leh oo qasaare dhaliyey, iyadoo ay Alshabaab caado u tahay inay sheegtaan qasaare aan dhicin.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON