Alshabaab oo sheegatay mas’uuliyadda qaraxii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ee lala beegsaday Gaari ay wateen ciidamo Booliska ayaa shaacisay sarkaal sare oo lagu dhaawacay qaraxaasi.
War kasoo baxay Alshabaab ayaa lagu sheegay in Qaraxa oo ka dhacay agagaarka Madaxtooyadii C/qaasim ee degmada Hodon ay ku dileemn 2 askari oo Boolis ah, ayna ku dhaawaceen laba kale oo uu ka mid yahay Xoghayaha Guud ee Ciidamada Booliska.
“Ciidamadeena waxay Degmada Hodon ku dileen 2 katirsan ciidamada Booliska, waxaa kale oo qaraxa ku dhaawacmay laba katirsan cadowga oo uu kamid yahay xoghayaha guud ee booliska murtadiinta” ayaa lagu yiri warka ay soo saartay Alshabaab.
Taliska Booliska Soomaaliya ayaa xaqiijiyey geerida labada askari iyo dhaawaca labada kale, laakiin ma faafaahin saraakiisha iyo ciidamada waxyeeladu soo gaartay.
