Wednesday, December 6, 2023

Alshabaab oo shaacisay Nin Ajnabi ahaa oo fuliyey Qarixii is-miidaaminta ee Jannaay Cabdalla

Alshabaab ayaa baahisay magaca iyo dalka uu kasoo jeedo is-miidaamiyihii fuliyey Qarixii lagu furay weerarkii dagaalameyaasha Alshabaab ku qaadeen saldhigga ciidamada Jubbaland iyo dowladda Federaalka ku lahaayeen degaanka Jannaay Cabdalla ee duleedka magaalada Kismaayo.

Dardaaran laga sii duubay ninkan ayuu ku sheegay in ninkan is-miidaamiyey lagu magacaabi jiray Dnayizeye Isxaaq Khaalid [Showkaani], isla markaana uu ahaa nin u dhashay dalka Burundi.

Ninkan ayaa kaxeynaay Gaari weyn qaraxayo laga soo buuxiyey, wuxuuna aroortii hore ee ka hor salaadii subax 7-dii Maarso 2023, isku qarxiyey degaanka Jannaay Cabdala ka dhacay gobolka Jubbada hoose.

Ad

Ninkan oo Alshabaab u bixiyeen Showkaani ayaa sheegay inuu kasoo jedo Qowmiyadda Huutiga ee degta dalka Burundi, isagoo Alshabaab ku biiray sanadkii 2015, sida uu sheegay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON