Qeybta Warbaahinta Alshabaab ayaa muuqaal cusub oo ku saabsan weerarkii Janaayo 5, 2020 ku qaadeen saldhigga ciidamada Mareykanka ee Manda Bay, dalka Kenya.
MUuqaalka ayaa waxaa lagu soo duubay farriin uu dirayo Amiirka Al-Shabaab Sheekh Axmad Cumar (Abu Cubeyda), waxaana ka hex muuqda ilaa shan dagaalyahan oo weerarkaasi qaaday codadkooda iyo farriimo dardaaran ah oo laga duubay.
Dagaalyahannada Alshabaab ee weerarkaasi k a eyb qaatay oo ay Alshabaab soo bandhigtay ayaa ahaa shan qof oo saddex ka mida ay u kal dhasheen dalalka Yeman, Itoobiya iyo Tanzania, halka labada kale ay ka soo jeedaan Bay iyo Bakool.
HOOS KA DAAWO SAWIRRADA

Abubakar Al-Muhajir, wuxuu u dhashay dalka Tanzania, wuxuu islaamay sanadkii 1436, isagoo ku biray Alshabaab.
Cali Maxamed Cali, waa Itoobiyaan kasoo jeeda Qabiilka Burj, wuxuuse ku dhahsay, kuna barbaaray agaalada Nairobi.
Bidix: Cabdilwali Muhammad Ibrahim (Moallim Omar) wuxuu kasoo jeedaa Gobollada Bay iyo Bakool, wuxuuna ahaa taliye ku xigeenkii kooxda weerarka fulisay.
Midig: Adam Iman Yusuf (Abdulkariim Alansari) wuxuu kasoo jeeda Gobollada Bay iyo Bakool.
Moulana Faruq Moulana (Ahmed Al-Muhajir) hoggaamiyihii kooxda oo u dhashay dalka Yeman
Sida muuqaalka ay shaacisay Alshabaab waxaa dagaalyahannadan ka warbixinaya Amirka Alshabaab oo sheegay inuu si dhow ula shaqeeyay dhalinyarradan weerarka ku qaaday saldhigga Manda Bay, isagoo ku maanay inay tusaale yihiin dhalinyarrada kale.