Alshabaab ayaa maalmihii ugu danbeeyay shaacisay magacyada debleydii weerar k uqaaday Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho.
Kooxdan oo ka koobneyd 6 midkood is qarxiyey ayaa ilaa hadda Alshabaab ay shaacisay codad dardaaran oo laga duubay afar ka mida oo midkood uu yahay nin Kenyaan ah oo kooxda ka tirsan, siiba Is-miidaamiyeyaasha.
Xubnaha Alshabaab ee galay xarunta Gobolka banaadir ayaa waxaa ka mid ahaa:
1- Haaruun Axmed Faarax [Cabdi-Rabi] oo kamid ahaa dagaalameyashii weerarka ku galay xarunta maamulka gobolka banaadir. Ninkan ayaa sheegay inuu kasoo jeedo beesha Reer Xaaji Saleebaan ee H/Gidir, gaar ahaan Jufada Reer Muuse, isagoo ay ku heyb ahaa guddoomiye ku xigeenka Gobolka ee Amniga iyo Siyaasadda. Wuxuuna ahaa 24 sano jir ku dhashay magaalada Muqdisho.
2- Cilmi Cumar Xassan [Yaxye] ayaa isna ka mid ahaa dagaalyahannadii Alshabaab ee weerarka ku galay Ixarunta maamulka gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho. Wuxuu sheegay inuu kasoo jeedo Beesha Daa’uud ee Abgaal, wuxuuna ku heyb ahaa Guddomiyaha Gobolka Banaadir. Cilmi Cumar ayaa ku dhashay degmada Ruun-Nirgood ee gobolka Shabeellada Dhexe.
3- Zubeye Almuhaajir, oo u dhashay dalka Kenya ayaa aha ninka saddeaad ee Alshabaab ay shaacisay dardaraarankiisa. Waa Kenynati kasoo jeeda Majengo, Nyeri, waxayna Alshabaab ugu yereaan dadka ka yimaada dallaka kale ee ka tirsan Muhaajir.
4- Nuur Maxamed Suleymaan (Cabdi-Qani) ayaa ahaa ninka afrad ee ka mid ahaa maleeshiyada Alshabaab ee weerarku ‘Xarun -taraaraxa ah’ ku galay xarunta Gobolka Banaadir, wuxuuna sheegay inuu kasoo jeedo beesha Gaaljecel, gaar ahaan jufada Makaahiil Cumar Mataan.
Waxaa la filayaa inay Alshabaab baahiso labada harsan dagaalameyaashii lagu laayay xarunta Gobolka Banaadir ee weerark ka fuliyay, iyadoo looga bartay inay is-miidaamiyeyaashooda codad ka duubaan inta aysan fulin weerarka ay qaadayaan.