Wednesday, March 26, 2025

Alshabaab oo shaacisay magaca iyo beesha uu kasoo jeedo is-miidaamiyihii isku qarxiyey Barta Ceelgaab

Alshabaab ayaa shaacisay magaca iyo beesha uu kasoo jeedo ismiidaamiyihii isku qarxiyey barta laga ilaaliyo Madaxtooyadda Soomaaliya ee isgoyska Ceelgaab, Sabtidii 25 Septembar 2021.

Dardaaran laga sii duubay ninkan is-qarxiyey oo laga baahiyey warbaahinta Alshabaab ayuu ku sheegay in lagu magacaabo Maxamed Amiin Xaaji Xubbi loona yiqiin (Carafaat iyo Farxaan), isagoo Alshabaab uga biiray magaalada Muqdisho.

Is-miidaamiye Carafaat ayaa kasoo jeedaa magaalada Muqdisho, Wuxuuna u dhashay Beesha Shabeelle, gaar ahaan Reer Geedow, wuxuuna ahaa wiil dhalinyaro ah oo 20 sano jir ah.

Ad

Dardaarankiisa ayuu ku sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu ka mid noqdo is-miidaamiyeyaasha Alshabaab; isagoo caddeeyay in Alshabaab oo dhan yihiin is-miidaamiyeyaal naftooda huraya.

Weerarka uu geystay ee is miidaaminta ahaa wuxuu galaaftay nolasha 9 qof oo ay kamid ahaayeen hooyo iyo laba caruur ahaa oo ay dhashay.

May be an image of road
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON