Alshabaab ayaa soo bandhigtay dardaaran laga reebay Is-miidaamiyihii isku qarxiyey Degaanka Wisil ee Gobolka Mudug, maamulka Galmudug, kaasoo furay weerarkii ay maleeshiyada Alshabaab ku qaaday degaankaasi Arbacadii.
Wareysiga laga duubay is-qarxiyahan ayuu ku sheegay in lagu magacaabo C/llaahi Maxamed Aadan (Sagaar Mad Huroow oo ku magac dheeraa Cabdillaahi Jeeri), isla markaana uu kasoo jeedo degmada Rabdhuure ee Wilaayada Islaamiga Baay iyo Bakool.
Ninkan ayaa da’diisu ahayd 28 sano jir, wuxuuna u dhashay Jufada Libsi ee Beesha Hadame, isgoo Alsahbaab ku biiray 16 sano jir ah, wuxuuna markii hore ku biiray ciidamada loo yaqaan Jeysh-ka ee Alshabaab, isagoo kadib ku biiray kooxda Is-miidaamiyeyaasha Alshabaab.
Is-miidaamiye C/llaahi Jeeri wuxuu dardaarankiisa ku caddeeyay inuu doortay kooxda is-miidaaminta ah si uu uga hortago Gaallada, sida uu yiri, isagoo soo qaatay diyaaradaha duqeynaya degaanada Alshabaab.