Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda Qarax caawa ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan xaafadda Cali Kamiin ee degmada Wardhiigley.
Warbaahinta Alshabaab ayaa sheegtay in Alshabaab ay ka danbeysay Qaraxa oo loo adeegsaday Miino dhulka lagu aasay, taasoo lala beegsaday kolonyo gaadiid ah oo la sheegay inuu la socday Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan (John).
Qaraxa ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoyska Cali Kamiin iyo xaafadda Laba-dhagax, axaana ku dhintay qof sahcab ah iyadoo laba kale ay ku dhaawacmeen, laakiin Alshabaab ayaa ku doodeysa inuu si dirqi ah uga badbaaday taliyaha booliska G/Banaadir Saadaq John, ayna waxyeelo ka soo gaartay gaari ka mida kolonyadii la socotay.
Ma jirto cid xaqiijisay sheegashada Alsahbaab, iyadoo aysan hay’adaha amniga ee dowladda Federaalka wax war ah kasoo saarin qaraxaasi.