War goor dhoweyd kasoo baxay Alshabaab ayey ku shaacisay in duqeyn cirka ah oo ka dhacday degmada Jilib lagu dilay laba dhaqtar oo ay afduub u heysteen sanado oo u dhashay dalka Cuba.
Labadan dhaqtar ee Kuubaanka ah ayey gacanta ku hayeen Al-Shabaab ilaa snadkii 2019, markii ay kasoo afduubteen dalka Kenya, waxayna kooxdu qoraalkeeda ku sheegtay in labada dhaqtar ay ku dhinteen duqeyn diyaaradeed oo Khamiistii ka dhacday magaalada Jilib.
Warka Alshabaab ayaa lagu sheegay in Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ayaa duqeyn ku dileen Subaxnimadii Khamiista 15-February-2024, kadib markii Diyaaradaha Mareykanka ay duqeymo dhowr ah ka fuliyeen magaalada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.
“Duqeyn cirka ah oo bilaabatay abaare 12:10 subaxnimo ayaa lala beegsaday guri ku yaala magaalada Jilib, waxaana isla markiiba lagu dilay Assel Herrera iyo Landy Rodriguez oo la qabtay 12-kii April 2019 kadib howlgal ka dhacay degmada Mandhera” ayaa lagu yiri qoraalka Alshabaab.
Muuqaalada Meydadka Dhaqaatiirta Cuba ee la dilay ayey baahiyeen Alshabaab, balse ma jiro wax war ah oo kasoo baxay taliska Mareykanka ee AFRICOM iyo Dowladda Somaliya