Alshabaab ayaa qeylo-dhaan iyo go’aanno culus kasoo saartay dagaalka dhaqaalaha ee dowladda Federaalka ku qaaday iyo akoonada la xiray ee dhowaan ay shaacisay xukuumadda Federaalka.
Shir jaraa’id iyo bayaan dheer oo socday muddo 20 daqiiqo ayuu afhayeenka Alshabaab Sheekh Cali Maxamuud (Cali Dheere) ku sheegay aragtida Alshabaab, isagoo u digay Bankiga dalka iyo kuwo la sheegay in laga furayo dalka.
Afhayeenka Alshabaab wuxuu qiray in la xayiray Ganacsato badan oo hantidoodii bangiyada u taallay, loon sheegin sabbata. Alshabaab ayaa sheegtay inay diiwaan geliyeen Ganacsato akoonadoodii laga xiray, lana siiyay lambar telefoon ay wacdaan, markii ay waceenne looga yeeray Xalane, kadibna la kulmeen Gaallo.
Afhayeenka Alshabaab ayaa shaaciyey go’aanada Alshabaab ee ku wajahan dagaalka dhaqaalaha ee dowladda Federeaalka, iyagoo Ganacsatada ugu baaqay inay Ganacsatada hantidooda ka difaacdaan dowladda.
Wuxuu kaloo Alshabaab Bangiyada Soomaaliyeed ee dalka ka shaqeeya u sheegay inaan laga yeeleynin inay xogaha dadka Muslimiinta ah ee hantidooda idinku aaminay aad u gudbiyaan Gaalada, sida uu yiri, wuxuuna kala dooransiinay Labo arimood inay ammaanadii la idiin dhiibtay ay ilaaliyaan ama aad ummada hantideeda u celisaan.
Dowladda Federaalka ayaa dhowaan shaacisay inay xitay Akoono ka badan 200 oo ay leeyihiin xubno Alshabaab ka tirsan, waxaana hadda soo baxay jawaabtii ugu horeysay Alshabaab oo u muuqata inay si adag u taabatay.
