Qasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhacay magaalada Jowhar, kadib qarax is-miidaamin ah oo lagu beegsaday Hotel ku yaalla caasimadda Hirshabeelle.
Qaraxa poo ahaa kii ugu weynaa oo ka dhaca magaalada Jowhar ayaa geystay 3 dhimasho ah iyo dhaawaca qof oo 15 kale, waxayna wararku sheegayaan in qaraxa oo uu fuliyey qof is-miidaamiye ah uu ahaa mid aad u xooggan oo sababay inuu dumo derbiyada Hotelka Saabir ee qaraxa laala beegsaday.
Waxaa hotelka oo ku dhow Madaxtooyada Hirshabelele ku sugnaa wasiiro iyo xildhibaanno ka tirsan maamulka Hirshabelle oo qaraxa si dirqi ah uga badbaaday, laakiin ku dhaawacyo soo gaareen.
Qaraxa ayaa la sheegay in loo adeegsaday Gaari xamuul ah oo lagu soo raray qalabka dhismaha, waxaana si degdegamas’uuliyaddiisa u sheegay Al-Shabaab ayaa sheegatay oo xaqiijisay inuu qaraxa fuliyey ruux is-miidaamiye ahaa.
Wasiirada Hirshabeelle ee qaraxa ku dhaawacmay waxaa ka mida wasiirada haweenka iyo caafimaadka ee maamulka Hirshabeelle, agaasimaha Shaqada ee Wasaaradda caafimaadka Xildhibaan Canab Axmed Ciise, iyo xildhibaanno kale.